Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo isku khilaafay Guddiga Doorashooyinka Maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa sharci darro ku tilmaamay guddiga doorashooyinka ee KMG u magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Karaash ayaa sheegay in uusan Madaxweyne Deni kala tashan xubnaha guddiga sida KMG ah u qaabilsan Doorrasshada sida uu hadalka u dhigay.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Axmed Karaash waxa uu Ogeysiiyay Xeer Ilaaliyaha Puntland, Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garyaqaanka guud ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) waxa uu iska fogeeyay jiritaanka guddigaas, maadaama aan ku imaan sifo sharci ah sida uu yiri Axmed Karaash.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Deni waxa uu ku dhawaaqay Liiska Xubnaha guddiga KMG ah ee Doorashooyinka oo ka kooban 9-xubnood.

You might also like More from author