Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu go’aansaday in uu weerar ku qaado dalka Ukraine. Wuxuu intaa ku daray in weerarka uu dhici karo maalmaha nagu soo aadan. Biden wuxuu sheegay in qiimeynta lagu saleeyay sirdoonka Mareykanka oo soo jeediyay in magaalada caasimadda ah ee Kiev uu Ruushka la beegsanayo. Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in 169,000-190,000 oo Ruush ah inay ku sugan yihiin gudaha iyo agagaarka Ukraine, tiradaas oo ay ku jiraan dagaalyahannada uu Ruushku taageero ee ku sugan jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taageeda ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine. Khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad, madaxweyne Biden wuxuu ku sheegay in Mareykanku uu haysto “sabab uu ku aamino” in ciidamada Ruushka “ay damacsan yihiin isla markaana ay doonayaan inay weeraraan Ukraine toddobaadka soo socda ama maalmaha nagu soo aadan”. “Ilaa iyo hadda, waxaan rumeysanahay in Ruushka uu go’aankaas qaatay” ayuu Biden hadalkiisa sii raaciyay

Inta la xaqiijiyay ilaa Shan (5) qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu shil gaari ka dhacay Magaala Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen Gaadhi Vx  Calaawi ah iyo Gaadhi ay leeyhiin Ciidanka Booliisku ee Kaantaroolka Galbeed ee Magaalada Ceerigaabo,

Dhaawacyada ayaa ah Dhaawacyo fudud marka laga reebo Hal qof oo Koomo ku jira.

Ciidamada Ammaanka Wadooyinka ayaa sheegay in ay Warbaahinta la wadaagi donaan wixii kasoo kordha Shilka ka dhacay Ceerigaabo.

You might also like More from author