Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Guddoomiye cusub u magacaabay Sh/Hoose (Akhriso-Wareegto)

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo xilka laga qaaday Guddoomiyihii horay xilkaas u hayay Ibraahim Najax.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Barre.

Guddoomiyaha la magacaabay ayaa ah nin dhalinyaro ah, waxaana la sheegayaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ku dhow Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Maamulka Koofur Galbeed oo ka kooban Gobolada Shabeellaha Hoose, Bay iyo Bakool ayaa waxaa xilalka Guddoomiyeyaasha Gobolada soo magacaaba Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada magacaabida.

You might also like More from author