Madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane, Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dalka dib ugu soo laabtay muqdisho, kadib safar uu muddo ugu maqnaa dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Turkiga waxaa uu kulamo kala duwan la soo yeeshay bulshada halkaa ku sugan.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay daqiiqado kadib, markii uu yimid Muqdisho in uu u ambabaxay Magaalada Baydhabo oo Xarun ku meel gaar u ah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee soomaaliya.

You might also like More from author