Madaxweynaha Jubbland oo lagu wado in uu soo gudbiyo Musharixiinta Aqalka Sare.

Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda  uu soo magacaabo liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlabaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo, taas oo xarun ku meel gaar u ah Jubbland, ayaa lagu wadaa iney la kulmaan  Madaxweynaha Dowlad Goboleydka Jubbland Axmed Madoobe, oo ay kala wareegi doonaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa iygana la kulmi doono musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare.

Dowlad Goboleydka Jubbland ayaa noqonaya waa hadii ay soo gudbiyaan  liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlabaanka Soomaaliya, maadama Dowlad Goboleydyada kale wali ay soo  gudbin Xubnaha u tartamaya  Aqalka Sare ee deegaanadooda.

BY : MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author