Madaxweynaha Hirshabelle oo taageeray in dowlada Federalka ay siyaasada Dibadda maamusho

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa aaminsan fikir ka duwan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Puntland iyo KoofurGalbeed dhinaca xiriirka caalamiga ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa aaminsan in xiriirka dibbada ay xaq u leedahay dowlada Federalka, doorka dowlad goboleedyaduna ay ku leeyihiin uu yahay   talo bixin iyo farsamo.

“Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan.”ayuu yiri Madaxweyne Waare dhowr maalmood kahor inta aan la dooran isagoo ka qeybgalayay barnaamij dood ah oo loo qabtay musharaxiintii ka qeybgashay tartanka doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ku taliyay in la dhowro dastuurka dalka u yaala oo qeexaya awoodaha Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay kala leeyihiin.

You might also like More from author