Madaxweynaha Hirshabelle oo Safar dhulka ah ku tagay balcad iyo Warsheekh.

Maxamed Cabdi Waare  Madaxweynaha  Maamulka Hirshabelle ayaa safar dhulka ah ku tagay degmooyinka Balcad iyo Warshiiq oo kawada tirsan gobolka Sh/dhexe iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay degmooyinka uu tagay madaxweynaha,sida ay Sheegeen dadka Deegaanka.

Marka uu booqanayay madaxweynaha hirshabelle Degmooyinkaas ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen”Guudlaawe” waxaa ayna indho-indheynayeen Xaalada  heysata Dadka ku nool Degmooyinka Balcad iyo warsheekh.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Wafdiga uu hogaaminayay  Madaxeynaha hirshabelle  ay xalay ku hoydeen degmada  Warshiiq.

Maamulka Degmada Warsheekh iyo Dadka Deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha,Waxaa uuna weydiinayay Xaalada ay ku noolyihiin iyo baahiyaha gaar-ka ah ee haysta Shacabka degan Degmadaas.

Deegaano badan oo ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa jira dhibaatooyin kala duwan oo heysta dadkaas.

You might also like More from author