Madaxweynaha Hirshabeelle Waare oo socdaalkii u horeeyay ku yimid Muqdisho

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, taasoo noqoneysa safarkii u horeeyay oo uu ku yimaado, tan iyo markii loo doortay.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Wasiirka Waxbarashada, Xildhibaano, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil.

Warar qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Waare uu la balansan yahay wakiilada beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xarunta Xalane.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay safaro ku kala bixiyay degmooyinka Gobolka Hiiraan, waxaana uu tagay Beledweyn, Buulo Burde iyo Jalalaqsi oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweysay doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle, iyadoo ku tilmaamtay inay u dhacday si xor oo xalaal ah.

You might also like More from author