Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Qaar kamid ah Xildhibaanadii Dhuusamareeb lagu doortay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada Gollaha shacabka oo dhawaan lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb ee casimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xubnaha uu la kulmay waxaa kamid ahaa Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo sh sargaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug in uu ahaa is cafin,

Xildhibaanada la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhigooda uga mahadceliyey Casuumaada uu usameeyay iyo dadaalada Doorashada ee uu wado, iyagoona kula dardaarmay in uu Sii wado dadaalkiisa.

You might also like More from author