Madaxda Puntland oo farriin u dirtay Shacabka deegaanada Maamulkaas

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ummadda Islaam ka ah, shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland munaasibadda ciidul fidriga awgeed.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac yuusuf Jaamac Deberaani oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ummadda Islaamka ah, shacabka Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwa Puntland ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidul Fidriga.

“Ciid wanaagsan, waxaan fariinta hambalyada ciidda idiinka sidaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan dalka Shiinaha iyo Kusimaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash”.

You might also like More from author