Madaxda Maamul Goboleedyada oo War ka soo saaray Xilka ka qaadista Xaaf

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay maanta soo saareen Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayey ku cambaareeyeen go’aanka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ee lagu taageeray XIldhibaanno xalay sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayey ku dalbadeen in dowladda ka laabato go’aankii xalay ee ku aaddanaa xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Cadaado.

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa isku raacay in ay shir isugu yimaadaan kaas oo ka dhacay kismaayo,islamarkaa wixii ay isku afgartaan la wadaagaan madaxda ugu sareysa dalka.

You might also like More from author