Madaxda Galmudug oo lagu heshiisiinayo Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu Garwadeen ka noqdo Shir Madaxda sare ee Galmudug lagu heshiisiinaayo oo ka furmaya Muqdisho.

Waxaa hadda dhammaan Muqdisho ku sugan Madaxda Galmudug, Sida Madaxweynaha ,ku xigeenkiisa ,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xigeenadiisa.

Madaxda Galmudug ayaa waxaa ka dhex taagan Khilaaf ka dib markii Baarlamaanka maamulkaasi ay si gooni gooni ah dhammaantood ay xilka kaga qaadeen.

Waxa ay sheegeen in dhammaantood ay diyaar u yihiin in ay kula baxaan Sharciga u yaalla maamulka Galmudug.

You might also like More from author