Madaxaweynihii hore ee Burkina Faso oo lagu xukumay Xabsi daa’in

Madaxweynihii hore ee Burkina Faso Blaise Compaore ayaa lagu xukumay xabsi daa’in isagoo dalka ka maqan, kadib markii lagu helay inuu ka dambeeyay dilkii loo geystay Madaxweynihii ka horeeyay ee Thomas Sankara.

Madaxweynahan la dilay ee Thomas Sankara, oo 37 jir ah, ayaa waxaa lala toogtay 12 kale, intii uu socday afgambigii 1987-kii ee uu xukunka kula wareegay Compaoré.

Madaxweynahan xukunka lagu riday ayaa lagu dhaliila xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, kuwaasi oo u geesan jiray dadka siyaasad ahaan ka soo horjeeda.

You might also like More from author