Madaweynaha dalka turkiga oo sheegay in doorashada istanbuul ay lug ku yeelatay dambiyada abaabulan iyo musuqmaasuq.

Mr Erdogan ayaa difaacayey go’aanka dib loou celiyay doorashadii duqa Istanbul ee 31-kii Maarso, taas oo mucaraadku ay ku guulaysteen aqlabiyad yar.

Murashaxa mucaaradka ee lagu magacaabo Ekrem Imamoglu, oo laga qaaday dhammaan shaqooyinkii uu hayey ayaa tallaabadan ku tilmaay mid “Khiyaano” ah.

Baarlmaanka Yurub ayaa sidoo kale sheegay in go’aankaas uu soo afjarayo kalsoonida lagu qabo in doorasho dimuquraaddi ah ay ka dhacdo Turkiga.

Go’aanka doorashada ku celiska ah, oo dhacaysa 23-ka bisha Juun, ayaa abuuray dibadbaxyo Isniintii ka dhacay magaalada Istanbul.

Boqollaal dad ah oo sitay durbaanno iyo tabbeeleyaal ay ku qoran yihiin erayo xukuumadda looga soo horjeedo ayaa isugu soo aruuray degmooyin dhowr ah oo dalkaas kuyaal.

Sida uu ku warramayo wariyaha BBC-da Mark Lowen, mucaaradka ayaa tallabadan ay mas’uuliyiinta doorashooyinku qaadeen u arka mid gacan siinaysa cadaadiska uu wado madaxweyne Erdogan.

Guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya ayaa loo xilsaaray in uu sii hayo jagada Maayarka magaalada inta ay dhacayso doorashada ku celiska ah.

You might also like More from author