Madasha Xisbiyada Qaran oo ku tilmaamay bandowga magaalada Muqdisho sharci darro!

Madasha Xisbiyada Qaran oo ku tilmaamay bandowga magaalada Muqdisho sharci darro!

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xalay bayaan ka soo saaray xaaladda dalka uu marayo iyo labadii qof ee habeenkii Jimcaha lagu dilay Isgoyska Jubba ee Degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Bayaanka ayaa waxaa lagu cambaareeyay askari ka tirsan Ciidamada Booliska ee Saldhiga Degmada Boondheere, oo ka dambeeyay dilka labadaasi qof.
Bayaanka waxaa loogu sheegay in ay Dowladda Federaalka ah tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaaddo Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda, kuwooda caadeystay in la dhibaateeyo shacabka.
Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay qabaan in bandowga saaran Magaalada Muqdisho aan la soo marsiinin habraaca ku qeexan Dastuurka Qabyo Qoraalka Dalka, sidaasi daraadeedna uu sharci-darro yahay.

You might also like More from author