Macalimow iyo Musharixiin kale oo la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo.

Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa maanta shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay musharixiin dhowr ah oo u taagan doorashada 6-Kursi oo ay Guddiga horey u shaaciyeen.

Musharixiinta la guddoonsiiyay Shahaadada musharaxnimo waxaa ka mid ah Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu, kuwaa oo ku tartamaya Kuraas Lix ah oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne ee xarunta G/Hiiraan.

Kuraasta lixda ah ayaa kala ah HOP 006, HOP 022, HOP 003, HOP 032, HOP 252, HOP 068, waxaana lagu wadaa in beri la qabto doorashadooda, sida uu qorshuhu yahay, maadama Guddiga ay horey usheegeen in doorashada kuraastaa uu dib udhac ku yimid sababo farsamo owgeed.

You might also like More from author