Maamulka Jubaland oo Odayaasha ka mamnuucay in ay shiraan

Amar ka soo baxay maamulka Jubaland ayaa xayiraad dhinaca Shirarka ah lagu saaray Odayaasha Degaannada Jubalnd,kuwaas oo lagu war geliyay in aysan qaban karin shir uusan maamulka ogeyn.

Kulan ay yeesheen madaxda Maamulka Jubaland oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe ayaa Odayaasha looga digay in ay qabsadaan shirar aanay fasax uga heysan maamulka.

C/Raxmaan Xaaji Axmed oo ah ku xigeenka agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Jubaland ayaa shirka ka warbixiyay,waxaana uu sheegay in qodobada laga soo saaray sidooda loo dhaqan gelinayo.

C/Raxmaan waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay ka tirsanyihiin oo ay hoostagaan Wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland sidaas darteedna aysan qaban karin shir aysan wasaaraddu la socon.

Waxaa uu ugu baaqay in ka hor shirka ay warqad fasax ah ka qaataan Wasaaradda arrimaha gudaha iyaga oo sheegaya ujeedada kulanka iyo waxa laga damacsanyahay.

Arrintan ayey Odayaasha qaar ku tilmaameen cabburin Maamulka Jubaland uu ku sameynayo Odayaasha dhaqanka ee degaanka,iyada oo hadda uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Jubaland.

You might also like More from author