Maamulka Jigjiga oo gacanta Ku dhigay Hub farabadan iyo lacag

Booliska Ismaamulka Soomaalida ayaa soo bandhigay Hub farabadan iyo lacag ay sheegeen in si sharci darro ah lagu geliyay Ismaamulka.

Hub iyo lacag.

Taliye ku xigeenka Booliska Ismaamulka Soomaalida Zakariye Cabdi Khaliif ayaa soo bandhigay Hub aad u tiro badan iyo lacag ka badan $10,000 (Toban Kun) oo doollarka Mareykanka ah.

Taliye Zakariye ayaa sheegay in Ciidamada ay hubka iyo lacagta ku qabteen howlgallo bishan gudaheeda ay ka sameeyeen degaannada kala duwan ee Ismaamulka Soomaalida.

Image
Hubka la qabtay.

Hubka ay Gacanta ku dhigeen ayuu tiradooda ku sheegay 3040 (saddex kun iyo afartan Qori) oo ay ka midyihiin 20 Qoryaha  machine-gunska loo yaqaan iyo nooca kale ee RPG-ga oo tiro badan.

Image
Zakariye Cabdi Khaliif.

 

Boolisku ma sheegin dad ay ku qabteen Hubkan iyo goobaha laga soo kala qabtay, hayeeshee dalka Itoobiya ayaa u muuqda mid qalalaase amni ku socda iyada oo Gobollada Oromada, Amxaarada iyo Cafarta ay sidan oo kale horay gacanta ugu dhigeen hub aad u farabadan.

You might also like More from author