Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay weerarka ka dhacay duleedka Jowhar

Saakay waaberigii hore ayay aheyd markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin duleedka Jowhar,waxaana weerarkaas ka hadlay Maamulka Hir-Shabeelle.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mamulka Hir-Shabeelle Maxamed Kulmiye ayaa sheegay in weerarka ka dhacay deegaanka Cali waraabey ee Galbeedka Magaalada Jowhar lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen qaar ka mid ah cidiamada Dowladda.

Waxaa uu sheegay in xilliga uu weerarka dhacayay ay Ciidamada dowladda qeybta 27aad ay wadeen diyaar garoow ku aadan howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab,kaas oo laga fulin lahaa deegaano hoostaga Magalada Jowhar.

Marka laga soot ago hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mamulka Hir-Shabeelle ayaa al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay weerarkaas waxaa ay sheegeen inay mudo kooban la wareegeen saldhiga Ciidamada,isla markaana ay dileen Lix Askari.

You might also like More from author