Maamulka gobolka Hiiraan oo farta ku fiiqay dad loo qabtay dil ka dhacay Beledweyne

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdala Inji ayaa sheegay in Amniga guud ee Magaalada Beledwyene xilligaan uu yahay mid wanaagsan, hayeeshee ay jiraan falal amni darro oo ay mararka qaar geystaan Ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dilkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beleweyne uu ahaa Guddoomiyihii hore ee waxbarashada gobolka Hiiraan, hayeeshee Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa hir-Shabeelle ay wadaan dadaalo lagu sugayo amniga.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdala Inji waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay jiraan dad ay u qabteen dadkii Magaalada Beledweyne  loogu geystay ku dileen Guddoomiyihii hore ee waxbarashada gobolka Hiiraan  Cusmaan Caato, isla markaana baaritaano ay ku hayaan.

You might also like More from author