Maamulka Gobolka Banaadir oo mar kale Heshiis La galay Hay’ad Caalami Ah

Waxaa maanta heshiis wada saxiixday Hay’ad dhinaca caafimaadka ka shaqeysa iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Hay’adda international Medical Corps oo fadhigeedu yahay dalka mareykanka,waxaana ay bixisaa adeegyada Caafimaad & Hormarintooda.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Dr Maxamed Cadow oo u saxiixay Maamulka Gobolka Banaadir heshiiska ayaa kaga mahadceliyay wada shaqeynta ay la leeyihiin Hay’adaan.

Waxa uu Dr Cadoow sheegay in ay bogaadinayaan sida joogtada ah ay uga shaqeeyaan hay’adaan hormarinta adegyada Caafimaadka ee gobolka Banaadir.

Shalay ayaa waxa sidaan oo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu la saxiixday heshiis Hay’ad ka diin waan gishan dalka Talyaaniga oo iyaduna dhinaca Caafimaadka ka shaqeysa.

You might also like More from author