Maamulka Gobolka banaadir Oo howlo nadaafadeed ka sameyay Dagmadda Wadajir

kadib markii ay dowlada hoose Xamar diyaarisay qorshayaal lagu xoojinaayo nadaafada iyo bilic soo celinta Caasimadda ayaa xarunta degmada Wadajir waxaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah howl wadeenada ay dowlada hoose ugu talagashay in ay horumariyaan bilicda magaalada taas oo qeyb ka ah in 179kii degmadiiba shaqa abuur loo sameeyo si magaalada Muqdisho ay u noqoto mid nadaafadeedu hormarsan tahay.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cabdiraxmaan Maxamed Macalin Cali ayaa tilmaamay in bulshada reer Wadajir ay u diyaarsan yihiin iskaashiga nadaafada.

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti waxa sheegtay in uu ganaax muteysan doono qofkii ku xad gudbaa bilicda Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa kawarbixiyay qorshayaasha uu maamulkiisa u diyaariyay nadaafada iyo horumarinta degmooyinka gobolka Banaadir.

You might also like More from author