Maamulka Gedo oo shacabka uga digay qaadashada amarrada AL-shabaab

Kulan looga hadlayay ammaanka Degmooyinka Gobolka Gedo oo lagu qabtay Magaalada Baardheere waxaa laga soo saaray qodobo quseeya Amniga.

Xubnaha ka qaybgalay ayaa Dadka ugu digay in ay dhaqangeliyaan Amarrada kasoo baxa Al-Shabaab.

Cabdullaahi Nuur Xasan Cadow Gudoomiyaha Baardheere ayaa digniin u diray Odoyaasha dhaqanka ee Saldhigyada u taga sii deynta dhalinyarada u xiran in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa soo jeediyay in Ciidamada ammaanka loo daayo baarista ay ku sameynayaan dadka u xiran, lagana war sugo illaa inta ay Natiijo kasoo saarayaan.

(Cod 1 Gudoomiyaha Baardheere).

Maxamed Xuseen Isxaaq Al-Qaadi Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo waxa uu digniin u diray Shacabka Gobolka ee Al-Shabaab u yeera isla markaana ugu taga deegaanada ay ku sugan yihiin.

Waxa uu ku hanjabay in qofkii u taga Al-Shabaab uusan dib ugu laaban doonin Deegaanada ay ka tagaan ee Gobolka, hadii uu ka dhega fureysto amaradooda waxa uu ku sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonan sida uu hadalka u dhigay.

Gaashaanle sare Maxamed Cadow Cali Sanka Taliyaha Ciidamada guutada 10-aad, qaybta 43-aad waxa uu kulanka ka sheegay Meelaha dadka ay ugu yeeraan Al-Shabaab.

Dadka ayuu ku eedeeyay in ay u dhego furan yihiin Wargelinta kaga imaaneyso dhinaca Al-Shabaab, isaga oo intaa ku daray in ay ka gaabiyeen doorka kaga aadan Gobolka Gedo.

Goobaha Al-Shabaab ay ugu yeeraan in ay tagaan waxa uu ku sheegay Taliye Maxamed Cadow in ay kamid yihiin, Qansax Dheere, Shanqolow, Tubaako, War-gaduudo, Jawaarey iyo Xabaale been.

Al-Shabaab ayaa dhowaan isugu yeertay Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, waxaana ay u qabteen 45-cisho oo ay ka dhiman tahay 14-Maalmood oo ku siman 1-da bisha soo socota ee September.

You might also like More from author