Maamulka G/Shabeellaha Hoose oo sheegay inay dileen Sarkaal….

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa guulo waaweyn ka sheegtay dagaal culus oo deegaano ka tirsan gobolkaas ku dhexmaray Ciidamada xoogga dalka oo ay wehlinayeen maleeshiyaad deegaanka ah iyo Ururka  Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Yaaq-Bariweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka ay sheegeen in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitax Xaaji Cabdulle ayaa u sheegay Idaacadda Risaala in Maleeshiyaad is abaabulay iyo Ciidamada xoogga dalka ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Yaaq-Bariweyne, isla markaana ay ku dileen Sarkaalkaas oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Gargaduud sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in sarkaalkaas lala dilay laba ka mid ah ilaaladiisa,waxana uu sheegay in dadka deegaanka oo is abaabulay iyo Ciidamada dowladda ay siwadajir ah uga adkaan karaan Ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku aadan inay dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

You might also like More from author