Maamulka G/Sh Hoose oo ka hadlay Gawaari dhuxul waday oo lagu gubay Lafoole

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay KNN ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay gawaari dhuxul sida oo Al-Shabaab ay ku gubeen Degaanka Lafoole ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in laba gaari oo dhuxul waday la gubay, kuwaas oo Ciidamada dowladda Shalay  ay ka soo galbiyeen degmada Wanla-wayn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa uuna falkan ku eedeeyay Al-Shabaab.

Muddo ka yar 20 cesho ayey noqoneysaa in Shabeelaha Hoose lagu gubo 14 gaari oo xamuul ah, sidoo kale Shabeelaha Dhexe ayaa habeenno ka hor lagu gubay 1 gaari oo dhuxul siday.

You might also like More from author