Maamulka Awdiinle oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-shabaab

Gudoomiyaha Awdiinle Ibraahim Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Degmada  Awdiinle ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka waxa uu ku sheegay in ay dileen 3 dagaal yahan oo katirsan Al-Shabaab, halka ay gacanta ku dhigeen hal dagaalame.

Dhankooda ayuu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay, isaga oo intaa raaciyay in ciidamada ay dib ugu laabteen goobihii ay ka duulaan tageen sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha Awdiinle ayaa sheegay in xubnihii Al-Shabaab katirsanaa  ee ay  weerareen in ay lacago ka qaadayeen dadka deegaanka.

Ibraahim Maxamed Nuur Gudoomiyaha Awdiinle ayaa sheegay in ay wareysteen qofka katirsan Al-Shabaab, isla markaana Xog ka heleen.

Tuulada uu howlgalka ka dhacay oo 10KM dhanka Galbeed ugu jiheysan Awdiinle ayuu Gudoomiye Ibraahim sheegay in ciidamada Dowladda ay Al-Shabaab kala socdaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka sameynayaan.

Hadalkaan Gudoomiye Awdiinle waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da, oo uu ku faah-faahinayay dagaalkaan

You might also like More from author