Maalqabeen Caalamka Caan Ka ahaa Oo Diyaarad La Dhacday

Maalqabeenkani oo lagu magacaabayey Petr Keller & Afar Qof oo la socotay ayaa ku geeriyootay kadib Diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen la dhacday xilli ay marayeen Magaalada Alaska Ee Dalka Mareykanka.

Xogta geeridiisa ayaa la xaqiijiyey Maanta balse Sabtidii Maalin ka hor ayuu shilka ka dhacay Buuraha Alaska sida ay sheegeen Xubno ka mid ah Shirkadaha uu leeyahay hogaankooda.

Waxa uu ahaa 56 sano jir,Dhaqaalihiisa ayaa lagu qiyaasay 17.5 Bilyan Oo Dollarka mareykanka,Sanadkii hore 2020-kii waxa uu liiska dadka ugu taajirsan Adduunka kasoo galay Kaalinta 68aad.

Wuxuu ku dhashay Maalqabeenkaasi, 20 May 1964-kii magaalada Česká Lípa, Gobolka Czechoslovakia Ee Dalka Jamhuuriyada Jeega.

You might also like More from author