Maalinta Aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Sanadkii 61aad

Meelo ka mid ah Gobollada Dalka ayaa waxa ka dhacaya Munaasabado lagu maamuusayo aas aaska ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo maanta ku beegan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ayaa saaka oo isniin hambalyo udiray ciidanka isagoo yiri:

Maanta oo ay ku beegantahay sanad guurada 61aad ee aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan S/kiisha, S/kiil xigeenka, Alifleyda iyo Dableyda CXDS Iyo dhamaan qoysaskooda.

Run ahaantii maanta waa maalin weyn, Waxaa lasoo maray marxalado kala duwan, maantase Ciidanka XDS wuxuu marayaa marxalad ah geed curdun ah oo u baahan waraab.

Waxaan Allah SWT uga baryayaa in uu naxariistii janno siiyo dhamaan shuhadadii naftooda u hurtay difaaca Qaranka iyo ilaalinta sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed, inta dhaawaca ahna Rabbi ha siiyo Caafimaad degdeg ah, inta Caafimaadka qabtana waxaan u rajeynayaa in ay halkooda kasii wadi doonaan difaaca Qaranka.

Annagoo ka fikireyno waxyeelada Cudurkaan safmarka ah ee COVID19, Waxaan joojinnay bandhiggii sanad guurada ee Ciidanka si aan u ilaalinno badqabka ciidanka iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed,ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey General Odawaa Yuusuf Raage,Taliyaha Xoogga Dalka.

You might also like More from author