M/weynaha Ruushka oo ku gacan seeray in dhigiisa Ukraine uu kula kulmo Belarus.

 

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodmyr Zelensky ayaa la sheegay in uu iska diiday dalab uga yimid xukuumadda Moscow oo la xiriiray in isaga iyo Putin oo ah Madaxweynaha Ruushka ay ku kulmaan waddanka Belarus, si ay ugu wada hadlaan xiisada dhexdooda ka taagan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa doonaya in ay si ka fool ka fool ah isu arkaan madaxweynaha Ukraine Volodmyr Zelensky balse waxaa uu u muuqdaa in uu ku gacan seeray, maadaamada Madaxweyne Zelensky uu diidan yahay in Putin uu kula kulmo dalka Belarus, isagoo sabab ugu dhigay in uu yahay dalkaas mid ka barbar dagaallamaya Ruushka.

Waxaa uu sheegay Zelensky in uu rabo in isaga iyo Mr Putin ay ku wada kulmaan meelo kale oo aan ahayn Belarus, Iyadoo arrintaan ay timid xilli dagaalka uu Ruushka ku galay Ukraine uu socdo maalintii afaraad.

You might also like More from author