Lafta-gareen oo muqdisho kula kulmay wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Madaxweyna Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya CabdiCaziiz Xasan maxamed Lafta-gareen oo muqdisho kusugan ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Madaxweeyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulamo kala duwan la qaatay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ku simaha safiirka Maraykanka iyo sidoo kale safiirada boqortooyada Ingiriiska.

Kulanka Lafta-gareen iyo wakiilada Beesha caalamka ayaa diiradda lagu saaray Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, arrimaha doorashooyinka oo meel fiican  marayo, abaaraha ka taagan qeybo kamid ah dalka si gaar ah Maamulka koofur galbeed iyo guud ahaan xaalada Amniga dalka si khaas ah Amaanka Koofur galbeed, iyo ladagaalanka Al-shabaab.

You might also like More from author