Lafta-gareen oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah AL-shabab

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamec Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah AL-shabaab.

Isaga oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayaa waxaa uu marka hore ka tacsiyeeyay geerida Falar Liibaan Nuurow oo ka mid aha Golaha degaanka Bardaale oo shalay qarax lagu dilay.

Mas’uuliyiinta kala duwan ee Maamulka Koofur Galbeed ayuu Laftagareen ugu baaqay in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan maaddaama ay bartilmaameed u yihiin Al-shabaab.

Hadalka Lafta-gareen ayaa yimid kaddib markii sarkaal ka mid ah Maamulka Koofur Galbeed shalay lagu dilay Degmada Bardaale ee Gobolka  Baay.

You might also like More from author