Lafta gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo kadib safarkii shalay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Saacado kooban ayuu joogay Muqdisho Lafta gareen isagoo la kulmay Ergeyga Wasaarada Arimaha Dibada Qatar ka socday Ee Mudlaq Al Qaxtaani.

Waxay kawada hadleen Labada Mas’uul Xaalada doorashada iyo khilaafka siyaasadeed ee jira sidii loo xalin lahaa.

You might also like More from author