Lafta Gareen: “Milatariga jooga Koofur Galbeed waa kan ugu liita ciidanka Qaranka”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Caziiz Xasan Maxamed ayaa waxaa uu canaan kala dul dhacay Milatariga Soomaaliya ee ka howlgala degaannada Maamulkaas.

Lafta Gareen ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga ee Koogur Galbeed jooga ay Fadhiid yihiin, islamarkaana dooneyn howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in Milatariga jooga degaannada Koofur Galbeed ee degaan ahaan ka soo jeeda halkaas ay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada.

Waxaa uu ugu baaqay in ay ka waantoobaan dhaqanka noocaas ah ee hoos u dhigaya tayada iyo sumcadda Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo isna ka hadlay Magaalada Baydhaba ayaa sheegay in saraakiisha qaar xogaha ay keenaan aan lagu duullaan tagi karin taasina ay ceeb ku tahay sarkaalka.

Guddoomiyayaasha Maxkamadda darajada 1aad iyo midda sare ee Ciidamada ayaa ku sugan Baydhaba halkaas oo ay u tageen in ay xukunno ku ridaan askar ka kala tirsan Booliska, Nabad Sugidda iyo Daraawiishta oo ku lug yeeshay dilal ka dhacay Magaalada Baydhaba.

You might also like More from author