Lafta gareen “Majiro maamul haysta 77 xildhibaan, yaan laydin kala qaybin shaqo badan ayaa inoo taala”

Madaxweynaha Maamulka koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed( lafta gareen) oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu digniin u diray xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ee laga doortay deegaanada maamulkaasi.

Lafta gareen ayaa xildhibaanada ugu digay in la kala dhantaalo, islamarkaana waxaa uu sheegay in taasi ay dhibaato ku tahay midnimadooda.

“Majiro maamul haysta 77 xildhibaan, yaan laydin kala qaybin shaqo badan ayaa inoo taala”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca fara badan ee ku yimid doorashada Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

Sidoo kale Lafta gareen ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda uu kulan la qaadan doono xildhibaanada Baarlamaanka ee la doortay deegaanada Koofur Galbeed, islamarkaana uu kula dardaarmi doono arrimaha doorashooyinka.

You might also like More from author