Labo Diyaaradood Masar Leedahay oo Lagu Soo Riday….

Ciidamada Daacada u ah Hogaamiyaha Khaliifa Xaftar ayaa sheegay inay soo rideen Labo Diyaarad oo masar laga lahaa balse kusugnaa Dalka Liibiya.

Maleeshiyada General Xaftar ayaa sheegay in xilliga lasoo ridayey ay doonayeen inay ka deggaan Garoonka Diyaaradaha Sabha Ee Koonfurta Dalka Liibiya.

“Labada diyaarad ayaa nuucoodu ahaa C-130 waxaana Masaaridu ay ku taageerayeen sida la sheegay Dawlada Awooda badan laheyn Ee Liibiya,sidaa waxa yiri Afhayeen u hadlay Kooxda General Khaliifa Xaftar Hogaamiyo”.

Liibiya ayaa muddo waxay wajaheysaa dagaalo Ahli ah,waxaana Xukuumada Tripoli tahay mid ay Qaramada Midoobeey Aqoonsan tahay balse ma heysato Awood Dalkaasi oo dhan ay ku xukumi karto.

Tan iyo markii la dilay Madaxweynihii dalkaasi Mucamar Al Qadaafi sanadkii 2011-kii ma jirin kala dambeyn iyo Dawladnimo buuxda oo Liibiya ay heshay.

You might also like More from author