Kuxigeenka Axmed Madoobe oo la kulmay saraakiil katirsan AU

Madaxwayne kuxigeenka koobaad ee dawlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa kulan is xog waraysi ah oo aaladda fogaan araga loo adeegsanayo la qaatay masuuliyiin ka socda Midawga Afrika.

Kulankan oo ahaa mid xaqiiqo raadin ah waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo ciidamada qalabka sida ee dalka, nidaamka federaaliismka dalka iyo caqabadaha ku gadaaman, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta bulsho, xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo is kaashiga laamaha amaanka dalka iyo ciidammada hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM) ee dalka ku sugan.

Jubbaland ayaa sheegtay in ay muhiimadu tahay sidii wadatashi laga galo Arimaha Doorashada Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author