Kuuriyada Wuqooyi Oo Gantaalo Ridada gaaban ah Tijaabisey

25-kii Bishii dhamaatay Maarso ayaa Dawlada Kuuriyada Wuqooyi waxay tijaabisey Labo Gantaal oo nuuca ridada gaaban ah.

Waa markii ugu horeysay hawada udirto gantaal Xukuumada biyoon yaan tan iyo markii la caleemo saaray Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Aagga loo yaqaano humju ee Hamgiyoon ayaana gantaaladaasi lagu tijaabiyey,waxaana tani ay fariin kale u aheyd Kuuriyada koonfureed oo ay xifaaltan dhinaca hubka ah ka dhaxeeyo.

Wakaalada wararka AFP waxay sheegeysaa in jawaab laga sugayo Dawlada Mareykanka oo ku aadan tallaabada Kuuriyada Wuqooyi qaaday ee gantaalada ridada gaaban ay tijaabisey

You might also like More from author