Kusimaha Lafta gareen Oo Kormeeray Baydhabo Meelo Kala Duwan

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka KGS, mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo ay wehliyaan Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Caafimaadka oo maanta Kormeeray Goobo Muhiim ah oo ku yaal Magaalada Baydhabo.

Kusime Maxamed Nuur Maxamed iyo Wasiirada ayaa maanta goobaha ay booqdeen waxaa kamid ah Xarunta Bedqabka Bulshada Magaalada Baydhabo (Baidoa District Hospital), Saldhiga Booliska Cali Axmaar iyo Bar-koontarool oo ku yaala Duleedka Magaalada Baydhabo.

Socdaalka wafdi ayaa ujeedadiisu aheyd u kuurgelida xaaladaha cudurka Coronavirus oo saameyn ba’an ku haya Magaalooyinka Koonfur Galbeed sida Baydhabo, Afgooye iyo Baraawe oo maalinba maalinta kasii danbeysa ay sii siyaadeyso tirada dadka u dhimanaya cudurka.

Ugu danbeyntii Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay bulshada Koonfur Galbeed inay ku dadaalaan kahor tagga cudurka Coronavirus si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

161486834 3983285598420172 8594453633483026252 N

161545755 3983285115086887 7777302187571160939 N

161810328 3983285388420193 2494604491526232906 N

162072532 3983284985086900 9199910029091806015 N

162135650 3983285241753541 4428962276910209020 N

You might also like More from author