Kumanaan Qof Oo Ka Barakacay Fatahaada Dalka Australia

Kumanaan Qof ayaa waxa saameyn ku yeeshay Daadad ku rogmaday Magaalada Sydney Ee dalka Australia.

Wararka waxay sheegayaan in Fatahaadaasi ay saameysay dad kabadan 20 kun Qof,iyadoo 200 iskuul oo Magaaladaasi ku yaalla ay xirmeen.

Waa markii ugu horeysay 100 sano kadib la dareemo saameyn ka dhalatay Daadad ay ku dhuftaan Qeybo ka mid ah Dalka Australia.

Dawlada waxay bilowday inay dadka samata bixiso si loo yareeyo khasaaraha Fatahadaasi ay geysaneyso.

You might also like More from author