Kulankii Baarlamaanka oo Baaqday iyo Jawaari oo Digniin soo saaray

Weriye ku sugan xarunta golaha shacabka ayaa soo sheegaya in kulanka golaha shacabka ee maanta uu u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan.

Xildhibaannada buugga xaadiridda saxiixay waxaa 104 Xildhibaan, waxaan Hoolka joogay tiradaasi in ka badan, oo aan buugga saxiixin.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrinkaasi ka carooday ayaa ku hanjabay in uu Xildhibaannada yimid ee aan buugga saxiixin u diri doono warqad digniin ah sida uu qabo Xeer-hoosaadka, qodobkiisa 16aad, faqradiisa 5aad.

Xildhibaannada maanta hoolka yimid balse aan buugga saxiixin, waxaa u badnaa Xildhibaannada ka tirsan golaha wasiirrada.

You might also like More from author