Kulan Villa Soomaaliya Ku yeesheen Farmaajo,Fahad & Wakiilka Qatar

Ergeyga ka socda Dowladda Qatar Dr Mudlaq Al-Qahtani ayaa aqalka Madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Ergayga gaarka ah ee ka socday Dowladda Qatar, ayaa gaaray aqalka Madaxtooyada Waxaana la socday Agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Shirka ayaa soo dhamaaday goor dhaweyd Waxaana wararku sheegayaan in uu kulan gaar ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaare Rooble ergaygan gaarka ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ergaygaan gaarka ah uu xalay fiidkii kulan la qaatay wakiilada Beesha caalamka ee ku sugan Xalane.

Dr Mudlaq,  ayaa caawa kulan la qaadan doono midowga Musharixiinta Sida ay inoo sheegeen ilo muhiim ah.

You might also like More from author