Ku dhawaad 16 qof oo ku dhimatay Qarax magaalada Quetta

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay, qiyaastii 40 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay suuq qudaarta lagu iibiyo oo ku yaallaa magaalo ku taalla Waqooyi-Galbeed ee Pakistan.

Qaraxa wuxuu ka dhacay magaalada Quetta,  oo ay u badan yihiin Shiico.

Suuqa waxaa ka buuxay dad adeeganayay markuu qaraxa dhacaayay,Saraakiisha dowladda ayaana sheegay in ay suuragal tahay in dhimashada ay kororto.

Garab ka mid ah Ururka Taliban ee dalka Pakistan ayaa sheegatay masuuliyadda.

Warar kala duwan ayaa soo baxaya oo ku saabsan sida uu qaraxa u dhacay. Dadka qaar waxay sheegayaan in waxyaabo qarxa lagu qariyay suuqa qudaarta.

Waxaa jiro warar qaar oo sheegaya in qof is qarxiyay uu ka dambeeyay weerarka.

You might also like More from author