Ku dhawaad 100 sarkaal oo la Dalacsiiyey + Sawirro

Sarreeye gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ah ku simaha taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xubno isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad oo la Dalacsiiyey u xiray darajada Sarkaalnimo.

Saraakishan la Dalacsiiyey oo gaaraya illaa 83 xubnood ayaa dhawaan ku soo biiray ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Dhulka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage munaasabad loo qabtay saraakiishan ka hadlay ayaa u sheegay Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafimaad in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dhankiisa kusimaha taliyaha ciidanka Xoogga dlka, Ahna taliye ku xigeenka S/gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa kula dardaarmay xubnaha darajada la siiyay in ay u diyaargaroobaan shaqo adag, maadaama uu ciidanka Xoogga dalku ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiisha la Dalacsiiyey oo dhalinyaro u badan ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaqo bilaabay bishii December ee sanadkii hore 2018-kii.

Habeen hore ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu Dalacsiiyey saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Somalaiyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

You might also like More from author