Koox hubeysan oo xalay dil iyo dhaawac ka geystay Ceelwaaq.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen hoyga uu degmadaasi ka degan yahay isku duwaha waxbarashada degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta  u sheegay in kooxda hubeysan ay dil iyo dhaawac ka geysteen hoyga uu degnaa isku duwaha waxbarashada ee degmada Ceelwaaq ee goboka Gedo, kaasi oo lagu magacaabo Xasan Cali.

Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday 1 qof, halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.

You might also like More from author