Koox hubeysan oo weerar ku qaaday xerada Xalane ee Muqdisho

Koox hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa goordhow weerar ku qaaday afafka hore ee Madiina Gate oo u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox hubeysan.

Sidoo kale goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in 2 nin oo xiran tuutaha malatariga Soomaaliya ay gudaha u galeen xeradda xalane ayna ka dhax dagaalamayaan.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda nawaaxiga xerada Xalane ee Muqdisho, iyadoo Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay gaareen goobta uu dagaalka ka socda.

You might also like More from author