Koox Hubeysan oo Afar Askari ku dilay Bar Koontarool ay joogeen

Dableeydaan oo watay gaari ayaa mar keliya ooda kaga qaaday Rasaas fadhiisin ciidamada Booliska kusugnaayeen Gobolka Samfaara Dalka Nigeria.

Ilaa Afar Askari ayaa geeriyootay waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan,iyadoo gacan ku dhiigalyaashu ay baxsadeen.

Meel kudhaw Xarunta weyn Booliska Magaalada Ibonyi ayuu weerarka ka dhacay,waxaana warar kale ay sheegayaan in ilaa Jimcihii 44 Qof la dilay weeraro is xig xigay Magaaladaasi ka dhacay.

Kudhawaad 21 weerar ayaa kooxo hubeysan ay ka fuliyeen Dalka Nigeria Maalmo gudaheed,waxaana la afduubtay dad gaaraya 14 qof Gobolka Kaduna kusugnaa.

Maleeshiyaadka falalkaasi geysta oo xagjiriin ah sida la sheegay waxa ay mararka qaar dalbadaan Lacago madax furasho ah.

You might also like More from author