Koofur galbeed oo maanta qabaneyso Doorashada kuraas kamid ah Gollaha Shacabka.

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Baraawe ee xarunta Dowlad Goboleedka KGS ay dhacdo Doorashada 7kursi oo kamid 13 kursi oo dhawaan maamulka Koofur galbeed soomaaliya ay shaaciyeen qabshadooda.

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan shalay  Gudoonsiiyey musharaxixiin gaaro ilaa 26 musharax oo u taagan 13 kursi oo Doorashadooda qaar kamid maan lagu qabanayo Magaalada Baraawe oo ah Degaan Doorashadooda labaad ee Maamulka Koofur galbeed.

Musharixiinta lagu doonsiiyay Shahaadada shalay oo gaarayay ilaa 26, musharax ayaa 6 kamid ah waxa ay ahaayeen, Dumar halka inta soo hartana ay yihiin Rag.

Saacadaha soo socda ayaa lafilayaa in ay halkaasi ay ka bilaabato Doorashada 7-da kursi, Waxaana halkaasi ku sugan xubno ka socda Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal.

You might also like More from author