Khudbadihii Murashaxiinta Hirshabeelle Oo La soo Gabagabeeyay
Waxaa Maanta magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle lagu soo gabagabeeyay khudbadaha murashaxiinta u tartamaya madaxtinnimada maamulka.
Sida ay sheegayaan Wariyeyaal ku sugan Jowhar waxaa maanta hadlay illaa 5 murashax, kuwaas oo kala ah: Cabdi raxmaan Xasan Caddow, Yuusuf Axmed Hagar, Cabdinaasir Maxamed Shirwac, Daahir Cabdulle Cawaale iyo Maxamed Caruush Diirow .
Waxaa iyaga shalay khudbad jeediyay : Cabdi Faarax Laqanyo, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdikarim Cali Nuur.
Maalinta sabtida waxaa lagu wadaa in doorasho ka dhacdo magaalada Jowhar.
Liiska Murashaxiinta oo dhameystiran:
Yusuf Hagar Daba-geed
Cabdi Faarax Laqanyo
Daahir Cabdulle
Maxamed Cabdi Waare
Cabdinasir Shirwac Maxamed
Maxamed Caruush
Cabdiraxmaan Xuseen Cadow
Cabdikarim Cali Nuur