Khudbad Jeedinta Madaxweyne Farmaajo oo hadda Socota

Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxa goordhaweyd si toos ah uga bilaabatay Khudbad jeedinta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka oo shan saacadood dib udhacay ayaa isaga iyo Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bilaabay hambalyada uu ugu diray Shaqaalaha Soomaaliyeed Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo maanta ku beegan.

Kulanka Baarlamaanka oo ahaa Kalfadhiga 8aad kulankiisa 16aad ayaa waxa kusugan 147 mudane sida ay sheegeen Howlwadeenada Golaha Shacabka.

Waxa uu farmaajo amaan kala dul dhacay Qeybaha kala duwan Ciidamada iyo doorkoodii Sugida Nabad gelyada,isagoo ka codsaday inay laba jibaaraan howsha ay qaranka u hayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Hay’ada Sharci dejinta uga mahad celiyey Dhowrista Dastuurka iyo kor joogteynta Laamaha kala duwan Ee Dalka.

NAGA FILO KHUDBADA OO DHAMEYSTIRAN INSHA ALLAAH

You might also like More from author