Khasaare ka dhashay Shil ka dhacay Garowe

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi uu galabta ka dhacay Shil geystay khasaare kala duwan.

Shilka oo yimid ka dib markii ay isku dhaceen Gaari nuuca loo yaqaan Noha iyo Mooto Bajaaj ayaa si gaar ah uga dhacay bannaanka hore ee Hoteel Curubo, oo ku yaalla dhinaca bari ee Caasimadda Garoowe.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen lix ruux, oo kala saarnaa Mootada iyo Gaariga.

Dadka dhaawacmay ayaa isugu jira rag, dumar iyo carruur, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland.

Xarumaha caafimaadka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dhaawacyada qaarkood culus yihiin.

You might also like More from author